Axmed Madoobe oo doorashadiisa kadib safarkii u horeeyay uga ambabaxay Kismayo

24 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ah safarkiisa u horeeyay ee uu uga ambabaxo magaalada Kismayo, kaddib doorashadii bishii Agosto ee dib loo doortay xilka Madaxweynaha Jubaland.

Diyaarad gaar ah ayaa wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubaland saaka ka qaaday magaalada Kismayo, iyagoo toos uga degaya magaalada Nairobi, taasoo mar kale jebineysa amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aada iyo kuwa ka baxa ay soo maraan Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha Jubaland ee Nairobi ayaa la xiriira arrimo siyaasadeed iyo khilaafka ka jira Jubbaland, gaar ahaan arrinta ka taagan Gedo.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo Nairobi siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolkaas, sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka dowladda Federaalka oo markaan culeys saartay dhanka Gedo, kaddib markii maamulada saddex degmo oo kala ah Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay dowladdu ka sameysay dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri, iyadoo la sheegay in dhaq dhaqaaqa Milateri ay qeyb ka yihiin.

Puntlandes.com

About The Author