Golaha Guurtida Somaliland oo waqti kordhin u sameeyay Golaha Wakiilada

24 Nov 2019 (Puntlandes) Kulan ay saaka isugu yimaadeen Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muddo laba sanadood ah ku kordhiyey mudada uu sii jirayo golaha wakiillada.

Muddo kordhinta ayaa waxa ay ka bilaamaysaa 12-ka bisha Janaayo ee sanadka soo addan ee 2020 waxa ayna ku eg tahay 12-ka isla bishaas ee sanadka 2022.

Sida laga akhriyay golaha hortiisa muddo kordhintan ayaa lagu saleeyay, markii ay cadaatay in aan waqtiga ka harsan mudo xileedka golaha wakiillada aanay suurogal ahayn in doorasho dhacdo.

Si aanay u dhicin firaaqo ama marnaan dhanka sharci-dajinta ah ay daruuri noqonayso in golaha guurtida oo dastuurku uu siiyay awoodda mudo kordhinta goloyaasha ay go’aan ku gaareen in mudadaasi labada sano ah loo kordhiyo golahaasi.

Golahan mudada loo kordhiyay ayaa markii ugu horraysay la doortay bishii Sibteembar 2005, ayaa muddo xileedkiisa waxa uu ku ekaa 2010kii, waxay kordhintaani tahay markii 7aad ee xilka loo kordhiyo.

Puntlandes.com

About The Author