Donald Yamamoto iyo Khayre oo ka wada hadlay arrimo kala duwan

27 Nov 2019 (Puntlandes) Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka, iyagoo uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo horumarka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Amb. Yamamoto iyo Kooxda Mareykanka ee Somaliya waxay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha, waxay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya, dhanka nabadgelyada, xasilloonida iyo barwaaqada, wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka waa furaha dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub oo xooggan”

Amb. Yamamoto ayaa wuxuu sii adkeeyay in hoos-dhigida Al-Shabaab iyo dadaalada xasillinoonida Soomaalida, ay tahay mudnaanta koowaad ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, dadaalada dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka iyo difaaca.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid abuureysa jawi cusub oo wada shaqeyn ah oo dhex mara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Puntlandescom

About The Author