Labada Aqal Baarlamaanka DFs oo Wadajir u ansixinaya Habraaca Dib u eegista Dastuurka

27 Nov 2019 (Puntlandes) Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo kulankan uu yahay kii 3aad oo wadajir ay u yeeshaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Ajandaha kulankan ayaa ah meel marinta Habraaca dib u eegista Dastuurka, iyadoo warbixin looga dhageysanayo Guddoomiyaha Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal Cabdi Qeybdiid.

Kulankan ayaa ku furmay illaa 186 Xildhibaano iyo Senator, iyadoo Guddoonka labada Aqal oo dhammeystiran ay kulanka u shir guddoominayaan.

Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u eegista 11 cutub oo ka mid ah 15 cutub oo uu ka kooban yahay Dastuurka.

Labada Aqal ayaa la filayaa inay si wadajir ah u ansixiyaan Habraaca dib u eegista Dastuurka, iyadoo la filayo in marka la soo dhameystiro dib u eegista Dastuurka in dib loogu soo celiyo Labada Aqal bisha June ee sanadka soo socda, si wax ka bedel loogu sameeyo.

Puntlandes.com

About The Author