Sawirro: Axmed Madoobe iyo Maadey oo Nairobi ku kulmay

28 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka gudoomiyaha Xisbiga ONLF Dr Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadeey) iyo xubno kamid ah wafdigiisa kula kulmey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulankaan oo ahaa Hambalyo Axmed Madoobe ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey, is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo isku wadida bulshada dal iyo dibadba ayaa wuxuu ku soo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane.

 


Puntlandes.com

About The Author