Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo 10 Xildhibaan u magacaabay dabagalka dhismaha iyo dhaqaalahii ku baxay Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo

28 Nov 2019 (Puntlandes) Waxaan maanta Fadhiga 17-aad Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo uu shir Guddoomiyey gudoomiyaha golaha Abwaan Cabdirashiid lagu magacaabay 10 Xildhibaan oo  daba-gala xaaladda & lacagta Waddada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.

Guddigaan ayaa la magacaabay ka dib shalay markii ay Golaha dhageysteen Guddiga waddada, warbixina ka siiyeen Dhaqaalaha ku baxay su’aalana laga weydiiyey.

Guddiga ayaa kala ah;

1. Xil. Muuse Siciid Xassan ( Gudoomiye)
2. Xil. Fu’aad Abshir Axmed ( xubin)
3. Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab ( xubin)
4. Xil. Axmed Jaamac Cabdulle ( xubin)
5. Xil. Jaamac Yaasiin Jaamac ( xubin)
6. Xil. Mahdi Siciif Xassan ( xubin)
7. Xil. Xuseen Axmed Nuur ( xubin)
8. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( xubin)
9. Xil. Cali Axmed Saalax ( xubin)
10. Xil. Cabdiraxman Jaabiri Samatar ( xubin)


Puntlandes.com

 

About The Author