BURSAALAX MEESHA AY MAANTA JOOGTO WAXAA KEENAY MASKAXDII IYO MAALKII LA GELIYEY HORUMARINTEEDA (MUUQAAL)

30 Nov 2019 (Puntlandes) Degmada Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxay gaartay 20kii sano ee u dambeeyey horumar aad u balaaran oo ku saabsan dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Arrimaha Diinta, Beeraha iyo Adeegyo kale oo Bulsho ay u baahan tahay.

(Sawirka kore: Gudoomiayaha degmada Bursaalax oo kormeeraya wadada wadanaha ee dhexmarta magaalada Bursaalax oo Laami la saarayo nevember 2019)

Bulshada Busaalax ayaa gudo iyo dibad si isku tashi ah gacmaha isku qabsaday sidii ay u horumain lahaayeen deegaankooda uga faa’iidayn lahaayeen ubadkooda iyagoo u samaynaya mustaqbal ay ku faanaan.

Arrimaha Horumarka ee ka socda magaalada Bursaalax ayaa waxaa maamula Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo ay qurbo joog iyo dal joog u dhalatay magaalada Bursaalax oo dibada dalka ku nool ay soo wadeen laga soo bilaabo 1999kii.

Waxaan idiin soo gudbinaynaa barnaamijyo badan oo ka hadlaya Mashruuca Horumarinta Bursaalax iyo sida uu u qaabeeyey ama uu wadada ugu xaaray inay Bursaalax maanta noqoto degmo aad u dad badan kana horumartay dhan walba.

Meesha ay maanta joogta Bursaalax kuma imaan ciyaar ee waxay ku timid maal, dulqaad iyo waqti badan oo ay geliyeen dad badan oo ka shaqeeyey inuu hirgalo khayrkaan ay u aayeen dadkoodu, waxaana Allah uga baryeynaa inuu intii dhimatay u naxatiisto inta noolna uu khayr badan ugu bedelo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa waxa uu iminka wadaa olole uu ku doonayo inuu ku burburiyo wanaagaas Bursaalax ee maalka iyo waqtiga badan ay dadkeedu dibad iyo gudaba soo geliyeen.
Dhabancad ayaa u kaashanaya burburinta degmada Bursaalax dad uu u samaystay arinkaas.

Oday ka mid ah waxgaradka degmada Bursaalax ayaa noo sheegay inuusan guulaysan doonin isku dayga uu wado wasiirku, lana difaaci doono danaha degmada siidii looga soo shaqaynayey 20kii sano ee u dambaysay.

Waxgaradka ayaa ku dhaliilay madaxweyne Deni inuu kusii daayey wasiir Dhabancad oo cadaawad aan la aqaan waxay ku salaysan tahay u qaba reer Bursaalax.

(Sawirka kore: wadada wadanaha ee dhexmarta magaalada Bursaalax oo Laami la saarayo nevember 2019)

Hoos ka daawo markii la bilaabayey Mashruuca Horumarinta Bursaalax 1999kii iyo siday ahayd Bursaalax, oo laga cabi jiray BARKADO YAR yar ayna ka jirtay buiyo la’aan

Puntlandes.com

About The Author