SHACABKA DEGMADA GALDOGOB OO KA CODSADAY MADAXWEYNE DENI INUU SOO FAROGELIYO MAAMULXUMADA WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA DHABABCAD UU KA WADO DEGMADA

30 Nov 2019 (Puntlandes) Shacabka degmada Galdogob ayaa ka codsaday madaxweynaha dawladda Puntland Saciid cabdulaahi Deni inuu soo farogeliyo maamulxumada wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad uu ka wado degmada

Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhowr jeer oo ay isku dayday inay gole deegaan oo cusub u dhisto degmada Galdogob ee gobalka Mudug,ku guuldaraysatay.

Sababtuna waa wasiir Dhabancad oo wata qorshe ay shacabka degmadu ka diideen oo uu jeebka kala soo baxay kaas oo ah inuu si aan sharciga waafaqsanayn labo degmo oo dastuuri ah isgudaro.

Shacabka degmadda Galdogob ayaa madaxweynahaa dowlada Puntland Dr Saciid cabdulaahi Deni ka codsaday inuu soo dhex galo khilaafka Wasaarada armaha Gudaha iyo Bulshada, inta uusan hakad ku imaan mashaariicda horumarineed ee socda degmadda Galdogob.

Puntlandes.com

About The Author