Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Dr Muuse Cali Jaamac

02 Dec 2019 (Puntlandes) Ciidamada Amniga gobolka Bari, ayaa mar kale xabsiga dhigay Dr. Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale  ay Jimcihii la soo dhaafay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Puntland.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac, ayaa duhurnimadii Shalay ciidamada Amnigu ka qabteen gudaha magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay markiiba u dhaadhiciyeen xabsiga weyn ee Bosaso, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga oo diiday in la xigto magacyadooda.

13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale  Bosaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa Sabtidii sabsiga u taxaabay, laba Nabaddoon oo kamid ahaa odayaashii  xukuumadda ku dhaliilay, in ay shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Bosaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha.

Odayaashu waxa kale oo ay xukuumadda u soo jeediyeen, in ay ka baxdo Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Bosaso, kaasi oo ay sheegeen in aan waxba ka fulin mudadi shirkaddu gacanta ku haysay dekeddaasi.

Puntlandes.com

About The Author