Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo magacaabay guddoomiyayaal degmo oo cusub

02 Dec 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Guddoomiyeyaal Cusub u magacaabay degmooyinka Waaberi iyo Shangaani ee Gobolkan Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa guddoomiyaha degmada Shangaani Aweys Sheekh Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha degmada Waaberi Cabdul Casiis Cismaan Jaamac.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Wadajir loo magacaabay Axmed Maxamuud Diiriye.

Guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka Waaberi iyo Shangaani ee kala ahaa Sahro Markeezi iyo Mahad Cilmi ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen qaraxiii 24-kii Bishii july ee sanadkaan ka dhex dhacay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir,iyadoo qaraxaasi sidoo kale ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Yariisow.

Puntlandes.com

About The Author