Mareykanka oo mallaayiin dul dhigay xunin ka tirsan Alshabaab

03 Dec 2019 (Puntlandes) Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in $5 Million oo doollar ay siineyso cidii soo sheegta xog horseedi karta in la soo qabto Jehad Serwan Mostafa oo ah Muwaadin u dhashay Mareykanka oo asalkiisa yahay Kurdi Suuriyaan ah, kaasoo ka barbar dagaalama Alshabaab.


FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2006-dii, waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Muwaadinka Mareykanka ee ugu sareeya Urur Argagixiso oo dibadda ah.

Mostafa ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay ninka ugu sareeya Al-Qaacida, gaar ahaan Alshabaab dhexdooda, waxaa kaloo uu ahaa Madaxa Ajaaniibta Alshabaab.
Mostafa wuxuu ku dhashay Wisconsin, waxaana uu ku soo barbaaray agagaarka Serra Mesa ee magaalada San Diego ee Gobolka California.

Sanadkii 2011 ayuu ka soo muuqday Kaamka Aala Yaasir oo ku yaalla Shabeellaha Hoose, xilligaasoo dad ka soo barakacay abaarihii ay Al-Qaacida ugu qeybisay deeq raashin, waxaa uu ahaa Ergeyga Al-Qaacida u soo wakiilatay gaarsiinta deeqdaas, waxaana uu ku hadlayay luqada Ingiriiska.

Puntlandes.com

About The Author