Golaha Aqalka sare oo ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahasi,

Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad waxaa shir Guddomiyay Guddomye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .

Golaha Aqalka sare BFS  ayaa ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka ka,kaas oo ay u odeeyeen ama ay ogolaadeen 30 senatar.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha golahaasi u so gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi.

Puntlandes.com

About The Author