Sawirro; Wasiir Arimaha Dibedda DFS oo hoygiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia

05 Dec 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa saaka oo Khamiis ah hoygiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxmed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi.

Kulankan oo ahaa quraac sharafeed uu Wasiirku ku maamuusay Safiirka Imaaraadka Carabta ayay waxay uga wada hadleen qaababka lagu xoojin karo xiriirka labada dal oo muddooyinkii u dambeeyay mugdi galay.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii horay loogu wadi lahaa Iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Horaantii todobaadkan ayay aheyd markii Safiirka Imaaraadka Carabta uu ka soo muuqday munaasabadii xarig jarka ee Machadka Tababarka Diblomaasiyadda oo ay dib u dhiskiisa maalgelisay dowladda Qatar.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, kaddib markii bishii April ee sanadkii 2018 ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya Garoonka Muqdisho ku xayireen diyaarad laga lahaa Imaaraadka, iyadoo dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag gaareysa 9 milyan oo dollar oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, iyadoo Wasaaradda  arrimaha dibadda Imaaraadka ay cambaareysay tallaabadaas, kuna tilmaamtay xadgudub ka dhan ah diblomaasiyadda.


Puntlandes.com

About The Author