Daawo Video: Mahdi Guuleed oo soo jeediyay in muddo xileedka DFS laga dhigo 5-7 sano

07 Dec 2019 (Puntlandes)  Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay Madasha 3aad ee Dhaqaalaha Qaranka ee maanta ka furmay Muqdisho ayaa soo jeediyay in muddo xileedka dowladda Soomaaliya uu noqdo 5-7 sano.

Mr Guuleed ayaa sheegay in loo baahan yahay xasillooni siyaasadeed, si mustaqbalka loo helo xasillooni dhaqaale, isagoo xusay in Madaxda hadda joogta ay garteen inay wada shaqeeyaan.

“Anagoo eegeyna dalal waa hore tagay sida Mareykanka ayaanu muddo xileedka dowladda ka dhignay 4 sano, waa inaan ka fikirnaa muddo xileedka nagu haboon 5 sano, 6 ama 7 sano, uma hadlayo dowladda Madaxweyne Farmaajo ee hadda xilka heysa, laakiin si mustaqbalka loo helo xasillooni dhaqaale waa in la helaa xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in labada sano ee u horeysay ay dowladda la kulanto is qabqabsi siyaasadeed iyo Mooshin is daba socdo, halka sanadka ugu dambeeyana uu yahay olole doorasho.

Dib u eegista ku socota Dastuurka KMG ee la doonayo in la qabyo tire ayaa la qorsheynayaa in muddo xileedka dowladda laga dhigo muddo 5-sano ah, halka markii hore ay ka aheyd 4-sano, inkastoo ay adag tahay sida ugu dambeyn la isugu raaco.

Puntlandes.com

About The Author