Faahfaahin ku saabsan dagaal beeleed maanta ka dhacay bariga gobolka Mudug

09 Dec 2019 (Puntlandes) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal beeleed maanta ka dhacay agagaar degmada Towfiiq iyo tuulada Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug.

Waxaa ku dhintay dagaalakaas 23 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo halka dhaawacu uu ku dhow yahay 15 qof.

Dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedkaas ayaa markii hore la kala geeyey  degmada Jiriiban iyo Tuulada Afbarwaaqo, balse markii dambe waxaa kuwii cuslaa loo soo qaaday Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka oo saaka bilowday ayaa soconayey muddo saacado ah, wuxuuna istaagay duhurnimadii maanta, waxaana wali ka dhow aagii ciidamo beeleedyadii ku dagaalamay, iyadoo aysan jirin cid kala dhexgashay.

Beelaha dagaalamaya ayaa ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalkoodu salka ku hayaa muran dhul-daaqsimeed oo ay kala sheeganayaan labada beelood.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale labada maleeshiyo beeleed dagaal culus ku dhexmaray deegaanadaas, kaas oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Beelaha ku dagaalamaya bariga gobolka Mudug ayaa loo diray baaqyo nabadeed oo looga dalbanayo in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

Puntlandes.com

 

About The Author