Dagaal mar kale ka dhacay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug

09 Dec 2019 (Puntlandes) Dagaal qaraar ayaa maanta mar kale ka dhacay degmada Towfiiw ee bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey maleeshiyo beeleedyo.

Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhul-daaqsimeed oo ay kala sheeganayaan labada beelood.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale labada maleeshiyo beeleed dagaal culus ku dhexmaray deegaanadaas, kaas oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka ku dagaalamaya bariga gobolka Muqug ayaa ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, waxaana sida aan wararka ku helnay maalmihii la soo dhaafay halkaas gaaray ciidamo gurmad ah oo labada dhinac ka kala yimid.

Dhinacyo kala duwan ayaa iyaguna maalmihii la soo dhaafay baaq nabadeed u dirayey beelaha ku dagaalamaya bariga gobolka Mudug.

Marar badan ayaa maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudg dagaalo ku dhexmareen gobolka Mudug.

Puntlandes.com

About The Author