Akhriso Beesha caalamka oo amar 11 qodob kasoo saartay doorashada Somalia ee 2020/2021

19 Dec 2019 (Puntlandes) Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2020/21, ayaga oo sheegay inay muhiim tahay in doorashadu noqoto mid wax ku ool ah, oo ku dhacda waqtigii loogu talo-galay.

Qoraalkan, oo dad badan ay ku macneeyeen mid lagu amrayo dowladda Soomaaliya, ayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ku sheegeen in ay qasab tahay in la xaqiijiyo inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn baarlamanka iyo xukuumaddaba.

Xubnaha saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa waxay kusoo bandhigeen qoraalkooda 11 qodob oo ku dalbadeen in laga helo hanaanka doorashada 2020/21, waxayna ay yiraahdeen “si waafaqsan ballan-qaadyadii ay sameeyeen dowladda federaalka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxay saaxiibadu boorinayaan in hanaanka doorashada mustaqbalka uu noqdaa mid:-

1 – Dhowraya dastuurka

2 – Xaqiijinaya in dhammaan doorashooyinka federaalka lagu qabto waqtigooda ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021, ayada oo aan muddo kordhin loo sameyn baarlamanka ama xukuumadda.

3 – Xaqiijinaya in dhammaan bulshooyinka Soomaalida ay helaan metelaad caddaalad ah.

4 – Siinaya dadka Soomaaliyeed fursad ay wakiilada matalaya ugu doortaan hab “qof-iyo-cod ah”.

5 – Ku daraya kaalinta xisbiyada siyaasadda ee doorashooyinka.

6 – Damaanad qaadaya in haweenka ay 30% ku yeeshaan xildhibaanada baarlamanka.

7 – Xaqiijinaya ka qeyb-galka ugu ballaaran uguna macquulsan, oo ay ku jiraan dadka gudaha dalka ku barakacay.

8 – Haysta taageerada dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

9 – Doorashada loo qaban karo si hufan oo nabad ah oo soo jiidan karta taageerada dhaqaale si loo fuliyo qodobadan.

10 – Natiijada ka dhaataa, noqotaa doorashada hogaamiyeyaal sharciyad haystaa, iyo mid

11 – Ilaalinaya muddo xileedka Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Saaxiibada caalamka ayaa ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka inay ka hor dhammaadka 2019 meel-mariyaan sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada.

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dowladda wanaagga iyo taabo-gelinta dhamaman qodobada kor ku xusan.

Bayaankan ayaa waxaaa si wadajir ah usoo saaray Amisom Canada, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Kenya, Norway, Sweden, Switzerland, UK, QM and Mareykanka.

Puntlandes.com

About The Author