Hadalkii Lafta Gareen iyo Jawaabtii Mahad Salaad oo Falcelin xiisad abuurtay dhaliyay

21 Dec 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa hadal uu habeen hore ka jeediyay munaasabadda sanad-guuradii koowaad ee doorashadiisa waxaa uu ku weeraray siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug oo uu ku eedeeyay inay ka been sheegeen xasuuq ka dhacay Baydhabo, isagoo xusay in aanay soo hadal qaadin dadkii lagu xasuuqay Gaalkacyo,  hoos ka daawo.

Lafta Gareen ayaa lahjada uu adeegsaday waxay dagaal siyaasadeed oo qabyaaladeysan ka dhex dhalisay siyaasiyiinta iyo xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda labada dhinac.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa noqday Xildhibaankii u horeeyay ee ka falceliyay hadalka Madaxweyne Lafta Gareen, wuxuuna u sheegay in haddii falkii ka dhacay Gaalkacyo uu qabiil u saarinayo in isagana uu qaado mas’uuliyadda dadka ay Al-Shabaab laayaan

“Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii mooryaanka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadishu isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado”ayuu yiri Mahad Salaad.

Hase ahaatee hadalka Mahad Salaad ayaa waxaa si degdeg ah uga jawaabay Xildhibaano ka soo jeeda Koofur Galbeed oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ka dalbaday haddii uu raalli gelin ka bixin ay mooshin anshax ah ka geyn doonaan Baarlamaanka.

Xildhibaan C/fataax Ibraahim Geesey ayaa ku hanjabay in haddii Mahad Salaa duu raalli gelin degdeg ah ka bixinwaayo hadalkaas uu mooshin ka geyn doono.

“Xildhiban Mahad Salaad waan arkay wuxuu qoray laakin waan wacay si mar kale aan u hubiyo wuxuu qoray iyo siduu iila hadlay waa is lahaayen xildhiban ka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo Isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay”ayuu yiri C/fataax Ibraahim Geesey

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xildhibaan Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in xaasidnimo ka weyn in bulsho dhan lagu tilmaamo inay argagixiso yihiin, lagana fiican yahay in Al-Shabaab laga dhigo qabiil gaar ah, taasoo aan laga heshiin karin marka argagixiso la isku tilmaamo.

Dooda ka dhalatay arrintan ayaa isu bedeshay mid qabyaaladeysan, iyadoo siyaasiyiinta labada dhinac ay daqiiqad daqiiqad isu jawaabayaan,  ayna keeni karto kicin bulsho ah.

Puntlandes.com

About The Author