Sawirro: Faahfaahin Qaraxii xalay ka dhacay Koofurta Gaalkacyo

22 Dec 2019 (Puntlandes) Qarax xooggan ayaa xalay ka dhacay Koofurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, qaraxa ayaa la sheegayaa inuu bartilmaameedkiisa ahaa Hotel ku yaalla Koofurta Gaalkacyo, waxaana hotelka uu deganaa Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. C/xamiid iyo Taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka.

Khasaare xoogan ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeeriyooday 7 qof oo isku jira shacab iyo Askar halka ay ku dhaawcmen dad kor u dhaaafay 35 ruux.

Dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay qaraxa ayaa isugu jiray Dad shacab ah oo wadada marayay iyo Haween qaadka ka ganacsada oo goobta ka agdhawaa.

 


Puntlandes.com

About The Author