Bankiga Dhexe oo xayiraad kusoo rogay ganacsiga Forex Trading

24 Dec 2019 (Puntlandes) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amar uu soo saaray waxaa uu ku faray dhammaan Bankiyada Ganacsiga inay ku xiraan xisaabaadka Suuqa Sarifka lacagaha Qalaad ee loo yaqaano Forex Trading, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay aad ugu soo xoogeysanayay magaalada Muqdisho.

Go’aan ka soo baxay Guddoonka sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa yahay 43/G, kaasoo lagu farayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Bankiyada gaarka loo leeyahay dhammaan xisaabaadka (Bank Accounts) ee Ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah Forex Trading uga furan bankiyada.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay amar dhowaan ka soo baxay Booliska Soomaaliya oo lagu mamnuucay ganacsiga Suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Forex Trading, kaddib markii doodo kala duwan oo dhinaca diinta ay hareeyeen oo ku aadan in Shareecada Islaamka aanay waafaqsaneyn ganacsigaas.

 

About The Author