Sharuudaha looga mid noqon karo baarlamanka Galmudug oo la soo saaray

Guddiga Farsamada Maamul U Samaynta Galmudug ayaa waxay soo saareen sharuudaha laga doonayo shakhsiga doonaya in uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka xigga ee Galmudug, waxaana sharuudahan la soo saaray, xilli aanay horey u kala cadayn qofka noqon kara Mudane Baarlamaanka Galmudug ah.

Guddiga Farsamada ayaa soo saaray 11 qodob oo laga doonayo qofka noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyadoo qodobadan ay saamaynayan dhammaan 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug.


Puntlandes.com

About The Author