Akhriso Sharciga Doorashooyinka xildhibaanada loo qaybshay, sidee ku imaanayaa Raiisul wasaaruhu?

25 Dec 2019 (Puntlandes) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga doorashooyinka qaranka ee heer Federaal, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay dood kulul ka lahaayeen Xildhibaanada.

Sharcigan loo qeybiyay Xildhibaanada ayaa wax ka bedel badan lagu soo sameeyay, iyadoo intii doodda socotay lagu daray aragtiyo iyo fikrado ay ka dhiibteen sharciga Xildhibaanada, waxaana lagu wadaa in kama dambeys Xildhibaanada ay cod u qaadaan maalmaha soo socda.

Qodobka 11aad ee Sharciga Doorashooyinka ayaa dhigaya in Madaxweynaha ay wadajir u dooranayaan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo loo raacayo qodobka 89aad ee dastuurka, iyadoo nidaamka xukunka dowladda uu yahay mid Baarlamaani ah.

Arrinta ku cusub sharcigan ayaa ah in Madaxweynaha uu xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka soo magacaabayo Xisbiga ama Isbaheysiga doorashada ku guuleysta kuraasta ugu badan Aqlabiyadda Baarlamaanka ( 50%+1), taasoo macnaheedu tahay in Madaxweynaha aanu laheyn doorasho uu iskiis ku soo xusho Ra’iisul Wasaare.

Qodobkan ayaa ka dhigan inuu Ra’iisul Wasaaruhu ka imaanayo Xisbigii ama Isbaheysigii hela kuraasta ugu badan ee Aqlabiyadda Baarlamaanka, iyadoo uusan madaxweynuhu wax saamayn ah ku lahayn.

Hoos ka akhriso Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal oo dhameystiran
Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal

Puntlandes.com

About The Author