Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo wasiir Dhabancad oo degmada Bursaalax booqday

2 Dec 2019 (Puntlandes)  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer shaqo ku Tagey Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Bashiir Cirro, iyo xildhibaan Cabdiweli indho-Ceel oo kamid ah Golaha Baarlamaanka Puntland.

Wasiir Dhabancad iyo wafdigiisa ayaa shirar kale duwan la yeeshay odayaasha, Waxgaradka, Haweenka, Madaxda Degmada Bursaalax iyo qeybaha Kale Duwan ee bulshada Degmada.

Ujeedka shirka ayaa ku saabsanaa wada shaqeynta Bulshadda iyo Dowladda, Arrimaha Hormarinta Degmada, Dardar gelinta Bixinta Canshuuraha, wacyi galin ku saabsan Dhismaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax, iyadoo uu caddeeyey in shacabka degmadu ay soo xushaan gole deegaan oo ay ku qaybsanayaan siday wax ku qaybsadaan.

Dhabacad ayaa ku booriyey shacabka degmadda oo ku caan ah isku tashi inay goler deegaan u soo xushaan dad tayo leh soiina wadi kara harumarka degmada ka socda.

Sidoo kale wasiirka ayaa meesha ka saaray mad-madow jiray oo ku saabsanaa inuu doonayo in uu hoos geeyo degmada Bursaalax degmada Galgogob, taas oo ay shacabka degmada Bursaalax soo dhaweeyeen maadamaa ay Bursaalax tahay degmo uu ansixiyey Baarlamaanka Puntland.

Dhinaca kale Wasiiradda ayaa kormeer ku sameeyey Mashaariicda hormarinta ee ka socota Degmada Bursaalax, gaar ahaan dhismaha laamiga oo ay shacabka degmada Bursaalax ku dhisatay isku tashi ah.

Ugu danbeyntii markuu uu soo Dhamaadday kormeerka wasiirka iyo masuuliyiinta lasocotay waxay bulshada kula qaxweeyey meherad ka mid ah kuwa magaalad iyagoona bulshada Degmada ka xogwareystay Xaalada Guud ee Degmada.


Puntlandes.com

About The Author