Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxii saaka

28 Dec 2019 (Puntlandes) Khasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay Isgoyska ex Koontarool Afgooye ee dhanka Koofureed ee magaalada Muqdisho, iyadoo khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad shacab ah.

Inta la hubo ku dhowaad labaatan ruux ayaa ku geeriyootay, waxaana qaraxa ka dhacay goobtaas uu waxyeelada ugu badan gaarsiiyay gawaari shacab ah oo wadada marayay.

Gaari BL ah oo ay saarnaayeen Arday dhigata Jaamacadda Banaadir ayaa khasaaraha ugu badan uu soo gaaray, waxaana ku dhintay inta badan dadkii gaariga saarneyd.

Qaraxa oo ahaa mid xooggiisa magaalada laga maqlay ayaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Engineero u dhashay Turkiga oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana wararku sheegayaan in Engineeradaas ku dhinteen qaraxa.

puntlandes.com

About The Author