Wakhtiga la toogan doono ragii kufsaday oo dilay Caasha Ilyaasoo la shaaciyey

12 Jan 2020 (Puntlandes)  Xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa Tv-ga dawladda maanta u sheegay waqtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen sadexdii nin ee kufsaday Caasho Ilyaas Aadan.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Bosaso.

Puntlandes.com

About The Author