Alshabaab oo DFS dib ugala wareegtay Tooratoorow

14 Jan 2020 (Puntlandes) Alshabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Tooratoorow oo ahaa saldhiggooda ugu weynaa, kaddib markii ay xalay fiidkii isaga baxeen Ciidankii Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaasha Alshabaab ayaa gudaha u galay deegaanka, saacado un kaddib markii Ciidanka Danab ay isaga soo baxeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska ayaa laga soo xigtay in xeelad dagaal uga baxeen deegaanka, waxaana ay sheegeen in howlgalka markii hore lagu galay uu qorshihiisa ahaa in lagu soo qabto xubno bartilmaameed ahaa.

Wararka laga helayo deegaanka Tooratoorow ayaa sheegaya in Alshabaab ay deegaanka ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku adkeyanyaan difaaca deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore isaga soo baxay deegaanka Tooratoorow, kaddib markii ay la wareegeen, waxaana deegaankan uu ahaa mid jahwareer uu ka taagnaa maamulkiisa oo tiro dhowr jeer uu gacmo kala duwan uu galay.

Alshabaab ayaa Tooratoorow u aheyd deegaan istiraatiiji ah oo ay ku yaallaan Maxkamad iyo goob ay ku qaadaan lacagaha canshuuraha iyo zakawaatka loo yaqaano.

Puntlandes.com

About The Author