Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay sharciga saxaafadda Soomaaliya

14 Jan 2020 (Puntlandes) Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya, kaasoo ay hor geysay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ka qeybgalay maanta wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda.

Kadib dood dheer oo goluhu uu ka yeeshey sharcigaasi warbaahinta iyo sidii loo ansixin lahaa ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa ay isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo.

Puntlandes.com

About The Author