Xildhibaan Fiqi “Galmudug waxay ku socotaa waddo ay ku dhismi karaan labo maamul is diidan”

15 Jan 2020 (Puntlandes) Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay ku socoto waddo ay ku dhismi karaan labo maamul oo is diidan, kaddib markii Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu Gaalkacyo ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo uga soo horjeedo howsha Maamul dhisidda Galmudug ee ka socota Dhuusamareeb.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug aysan qaadi karin labo Madaxweyne, labo Guddoomiye Baarlamaan iyo labo maamul oo is diidan, haddii uusan Madaxweyne Xaaf u turin oo uu tanaasulin sida uu yiri.

“Galmudug waxay ku socotaa waddo ay ku dhismi karaan labo maamul is diidan, Labo Madaxweyne iyo labo Guddoomiye Baarlamaan, haddii Axmed Ducaale Geelle Xaaf u turin reer oo uusan hadda uga darin meesha ay Galmudug joogto”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Waxaa uu sheegay in Galmudug ay soo mareen dhibaatooyin kala duwan, gaar ahaan 3 sano oo khilaaf ku soo jirtay, isla markaana wixii hadda ka dambeeya loo baahan yahay in laga gudbo.

“Reer galmudug wax ka dhaxeeya ma jiraan, dad daacad ah oo qowl leh, oo heshiis yaqaan ayay yihiin, 11 beelood ayaa maamulkaas dhistay 2015 oo eber laga bilaabay”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka wada magaalada Gaalkacyo kulamo siyaasadeed oo uu Maamul kale uga dhawaaqayo Galmudug.

Puntlandes.com

About The Author