Dhagayso: Wasiirka Amniga PL oo ku eedeeyey SL Al-Shabaab iyo SL oo WANTED ku xukuntay Wasiirka PL

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa ku eedeeyey Somaliland in ay wada shaqayn leeyihiin Kooxda Al-Shabaab. Wuxuuna Wasiir Aloore intaa ku sii daray in ay Puntland hayso cadaymo muujinaya in Somaliland taageerto Kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in Somaliland ka taageerto  Kooxda Al-Shabaab dhaqaaleaha, hubka iyo tababar ay siiso Kooxda Al-Shabab ee dagalka kula jirta Puntland.

 Halkan hoose ka dhagayso Wasiirka Amniga Puntland

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade o oka jawaabaya eedaynta Puntland ayaa sheegey in maanta laga bilaabo Xasan Cismaan Aloore oo ah Wasiirka Amniga Puntland uu ka mamnuucayo inay soo mariyaan shirkadaha duulimaadka dalka Soomaaliya garoomaha hoos yimaada maamulka Somaliland oo uu sheegey hadii uu yimaado inay xiri doonaan.

Cali Maxamed Waran-cade Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa wuxuu intaa ku sii daray in ay wada shaqeyn ka dhaxayso Puntland balse uu ku wareersan yahay Wasiirka Amniga Puntland cidda uu la shaqeynayo ..

Halkan hoose ka dhagayso Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Puntlandes.com

About The Author