Agaasimihii Ciidanka Badda Puntland C/naasir Biixi oo iscasilay

Gaalkacyo (Pes) War lagu kalsoon yahay oo Warbaahinta Puntlandes heshay ayaa shegaya in xilkii uu ka hayay Ciidanka Badda Puntland uu iska casilay Agaasimihii  Ciidanka Badda puntland  C/naasir Biixi Soofe.

1630

 

Wax faahfaahin ah lagama hayo sababta uu isku casilay Agaasimuhu laakiin waxay wararku sheegayaan in agaasimuhu u gudbiyay warqada iscasilida xafiiska madaxweynaha Puntland.

Agaasime Soofe ayaa xilkan loo magacaabay markii uu madaxxtinimada dalka ku guulaystay madaxweyne Gaas ee horaantii sanadkii tagay ee 2014, lamana garanayo ilaa hada sababta keentay iscasilaadiisa.

 

Puntlandes.com

About The Author