Sawirro: Ciidamada Kumaandooska oo la wareegay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose

20Jan 2020 (Puntlandes) Taliska 16aad ee Kumaandooska Xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgaladii u dambeeyay oo ay Ciidamada ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubadda Hoose.

Ciidamada ayaa howlgallo ku qaaday deegaano ka tirsan degmada Kamsuuma, waxaana iska hor imaadyo ay dhex mareen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Taliyaha Ururka 5aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 12 ka tirsan Alshabaab, halka tiro intaa ka badan ka dhaawaceen.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen tuulooyin degmada Kamsuuma u jira illaa 37KM, waxaana tuulooyinka ay la wareegeen ka mid ah Malaayley, Janaale Gaay, Reerneerow, Bandar Jadiid iyo deegaanka Bengaani.

Sidoo kale Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada inta howlgalka sameynayeen ay ku soo saareen illaa 9 Miino oo wadada lagu aasay.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo ciidamo Caddaan ah ay dagaal kula galeen duleedka waqooyi Kismayo, ayna khasaarooyin kala duwan ku gaarsiiyeen.


Puntlandes.com

About The Author