Akhrso Amniga Garowe oo lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah

20 Jan 2020 (Puntlandes) Maamulka gobolka Nugaal ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay in Amniga caasimadda Puntland ee Garowe si ku meel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliiska, islamarkaan lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF iyo ciidanka madaxtooyada Puntland.

Guddiga Nabadgalyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay maanta magaalada Garowe ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ciidanka Booliiska gobolka Nugaal ay ku socoto dib u-habayn, waxaana ay go’aamiyeen in Booliiska si ku meel gaar ah looga wareejiyo Amniga caasimadda mudada ay dib u-habayntaasi socoto.

Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyay in kantaroollada Garowe si deg deg ah loogu raro goobahii loo asteeyay in loo raro, Booliiskii joogay kantaroolladana lagu beddelo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo ciidanka madaxtooyada.

Waxa kale oo guddigu amray, in lala dagaallamo dadka amni-darrada ka wada gudaha caasimadda , gaar ahana kuwa soo geliyaya maan-dooriyaha Khamriga iyo Xashiishka iyo sidoo kale dadka soo geliya hubka sharci-darrada ah.

Puntlandes.com

About The Author