Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo doortay Guddoomiye iyo Ahlusuna oo ka hor-timid

21 Jan 2020 (Puntlandes) Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo maanta ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb kulankooda labaad ayaa ku doortay Guddoomiye, iyadoo Guddiga uu labo u qeybsamay, kaddib markii Xildhibaanada matala Ahlusuna ay ka baaqsadeen kulankii maanta.

Guddiga oo ka kooban 13 xubnood ayaa shalay isku mari waayay doorashada Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn, iyagoo diidanaa in Guddiga iska dhex doorto, iyagoo kulankii maanta ka baaqsaday 5-tii xildhibaanee Ahlusuna ugu jiray Guddigaas

Kulanka Guddiga doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Labadiisa Kuxigeen, waxaana 8 ka mid ah xubnaha Guddiga oo kulanka joogay ay iska dhex doorteen Guddoomiye, kuxigeen iyo Xogheyn.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, halka Kuxigeenka uu yahay C/raxiin Axmed Cigaal.

Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa durba waxaa soo kala dhex galay kala qeybsanaanti u horeeyay ee uu la kowsado kaddib doorashadii Guddoonka Baarlamaanka, waxaana la ogeyn kala qeybsanaantan cusub saameynta ay ku yeelan doonto in Mustaqbalka Galmudug-ta la rajeynayo inuu noqdo Maamul ku dhisan xasillooni.

Puntlandes.com

About The Author