Ahlusuna oo ku eedeysay DFS faragelin xoog ah ooy ku hayso doorashada Galmudug

21 Jan 2020 (Puntlandes) Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku dhisan qaab xoog ah ku maamuleyso doorashada Galmudug.

War ka soo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye u afduubo dowladda Federaalka doorashada Galmudug, iyadoo Guddiga sharciga ahaa uusan u dhameyn.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in qaabka dowladda Federaalka ku maamuleyso doorashada Galmudug ay baal marsan tahay in la wada dhisto Galmudug loo dhan yahay.

Waxaa uu sheegay in aanay qeyb ka noqoneyn doorashada boobka ay ku dooneyso dowladda Federaalka in Maamul looga dhigo Galmudug.

Hoos ka akhriso qoraalka Sheekh Shaakir

Puntlandes.com

About The Author