Musharaxiintii u tartamaysay xilka Madaxweynaha Galmudug oo qaadacay ka qeyb galka doorashada

22 Jan 2020 (Puntlandes) Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha ee ka horjeeda Musharaxa dowladdu wadato ayaa war murtiyeed ay caawa soo saareen waxay ku caddeeyeen in aanay ka qeyb galeyn doorasho ay qabanayaan qeyb ka mid Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee maanta kala qeybsamay.

War murtiyeedka ay soo saareen Musharaxiinya kala ah Kamaal Gutaale, Cabdi Dheere, C/raxmaan Odawaa iyo C/llaahi Faarax Wehliye ayaa waxay sheegeen in dowladda Federaalka uu u afduuban yahay hannaanka doorashada Galmudug wax tixgelin ahna la siin heshiisyadii horay loo galay, isla markaana aan qiimeyn la siin tabashadii iyo codsiga Musharaxiinta.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in aan la aqbali karin is doorashadi ay sameeyeen qeyb ka mid ah Guddiga doorashada iyo jadwalkii ay soo saareen.

Waxaa ay ugu baaqeen Guddoonka Baarlamaanka inuu u howlgalo dib u mideynta guddiga doorashada, lana joojiyo sharciyeynta in dhinac ka mid ah Guddiga loo afduubo howlihii Guddiga.

Puntlandes.com

About The Author