Villa Somalia oo raaligelin ka bixisay hadalkii Guulwade kana saartay guddiga wadahalada Somalia iyo Somaliland

22 Jan 2020 (Puntlandes) War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu iska casilay Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) xubinimadii guddiga dhab u heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland.

Guulwade ayaa waraysi uu saxaafadda siiye ku sheegay inay sax ahayd in dawladii kacaanku ay weerarto shscabka waqooyi.

Sidoo kale qoraalka Villa Somalia ayaa lagu yiri

“Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa”

Hoos ka Akhriso qoraalka Villa Somalia

DANJIRE GUULWADE OO LAGA AQBALAY IS-CASILAADIISA XUBINNIMADA GUDDIGA WADAHADALLADA DFS IYO SOMALILAND

Muqdisho, Jan 22, 2020: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

DHAMMAAD

About The Author