Madaxweyne Xaaf oo dalbaday in la joojiyo doorashada ka socota Dhuusamareeb, kuna baaqay gogol la isugu yimaado

23 Jan 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa dalbaday in la joojiyo dhammaan howlaha ka socda Dhuusamareeb, isagoo ku baaqay in dadka reer Galmudug ay isugu yimaadaan gogol dib u heshiisiineed.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in sanadihii u dambeeyay ay faragelin qaawan ku heysay dowlad goboleedka Galmudug, taasoo sababtay kala qeybin bulshadeed iyo mid maamul.

Xaaf ayaa sheegay in maamulkii lagu dhisay Dhuusamareeb uu soo wajahay burbur iyo kala tag, taasoo aheyd midii uu horay uga digay.

Sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay inay musuq maasuqeen odayaashii dhaqanka Galmudug soo dhisayay, ayna magacawday guddi farsamo ah oo agaasimayaal ah, kuwaasoo soo saartay liiska Xildhibaano isugu jira shaqaale dowladeed, darawaliintii iyo ilaaladii madaxda qaranka, kuwaasoo guryo ku yaalla Dhuusamareeb lagu xirtay, si ay Madaxweyne ugu doortaan Wasiir ka mid ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Hoos ka akhriso War saxaafadeedka Xaaf

Puntlandes.com

About The Author