Wasiir Goodax “Puntland waa in Imtixaanka galaan ama ay isku filnaadaan oo aysan Shahaado soo raadsan”

25 Jan 2020 (Puntlandes) Cabdilaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa markale ka hadlay khilaafka u dhaxeeyay iyagga iyo maamulka Puntland ee la xiriira dhanka shahaada bixinta waxbarashada, wasiirka oo waraysi siinayay BBC ayaa sheegay in puntland ay wax badan isla soo mareen ilaa haddana aan arinkaas xal laga gaarin.

“Puntland aragtidooda waxa waaye Imtixaanka annagaa qaadeyno, Wasaaradda Waxbarashada oo Imtixaanka agaasinto ma rabno in aan wax la wadaagno in macluumaadka ardayga u sheegno, anaga agaasimeena, kaliya Wasaaradda waxbarashada shahaadada ha siiyaan, anagana waxaa niri arrintaas macquul ma ahan, inay ayaga is maamulaan anagana aan shahaado bixino oo aysan shaqeysan cadaalad ma ahan “ ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xataa ay ujeediyeen inay iyaga Imtixaanka agaasimaan, isla markaana Wasaaradda Waxbarashada ay noqoto kormeerayaal ay diideen “ Puntland waa in ay imtixaanka galaan ama aysan shahaado soo raadsan oo ay isku filnaadaan”ayuu mar kale yiri Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka C/llaahi Goodax Barre.

Puntland ayaan weli ka jawaabin eedaynta wasiirka waxbarashada Dawlada Federaalka ah balse qaar ka mid ah aqoon-yahanada oo arinkaan uga falceliyay ayaa sheegay in arimaha waxbarashadu ay ka mid yihiin qodobada aan lagu cadayn in dawlada dhexe ay maamulayso sida ku xusan Dastuurka KMG ee DFS. ayna u baahan-tahay wada-tashi.

”Goodax Barre Caqliga uu ku gartay in arday aan hal imtaxaan wada galin aynan hal shahaado wada qaadan karin, ayaa waxaa laga rabaa in uu ku garto arday aan isku manhaj ahayni aynan hal imtaxaan wada gali karin” ayuu yiri Dr Abdisamed Dhunkaal.

Puntlandes.com

About The Author