DFS oo kala dirtay rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir

25 Jan 2020 (Puntlandes) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, maalin kaddib markii Ciidamada NISA ay xireen Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenkiisa oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in kaddib markii magacaabida rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka banaadir ay ka dhalatay xiisad ay wasaaraddu qaaday tallaabo ay ku kala direyso.

Inkastoo aanay Wasaaraddu si cad u sheegtay sababta kala diritaanka iyo haddii ay jirto warka ah in magacaabida xubnahaas ay ku lug laheyd Al-Shabaab, hadana wasaaradda ayaa cadeysay in wixii hadda ka dambeeya ay ka wada tashan doonaan rugta ganacsiga soomaaliyeed in la soo magacaabo Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii warbixin ay baahisay Idaacadda VOA lagu sheegay in Al-Shabaab ay kaalin ku laheyd magacaabidda Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyadoo la wareystay dad kala duwan oo magacyadooda la qariyay.

Puntlandes.com

 

About The Author