Sheekh Shaakir oo ku hanjabay inay dhisayaan maamul ay leeyihiin dadka reer Galmudug

26 Jan 2020 (Puntlandes) Madaxa Xukuumadda Galmudug, kana mid ah Hoggaanka Ahlusuna Wal-Jameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay gebi ahaanba afduubtay doorashada Galmudug, dadka reer Galmudugna ay maamulkooda marti ka noqdeen.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay uga digeen la kaliyoobida hannaanka doorashada, balse ay u cadahay in aanay u dhimrineyn dadka reer Galmudug, ayna u cadahay inay gaaraan ujeedkooda ah inay si afduub ah ku dhistaan maamul aan loo mideysneyn oo ku yimaada hannaan doorasho aan daah furneyn iyo Musharaxiin maxlal ah (Malxiis), taasna ay bannaanka soo dhigeyso damaca waalida ah ee marooqsiga ku dhisan ee dowladda Federalka ka wado Galmudug.

Waxaa uu sheegay in haddii dowladda Federaalka ay wax ka bedeli weydo sida ay wax u wado ay guda geli doonaan inay dhisaan maamul ay u dhan yihiin dadka deegaanka.

Puntlandes.com

About The Author