Sawirro: Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug oo Gaalkacyo ku qabtay kullan canshuur bixinta ku saabsan

30 Jan 2020 (Puntlandes) Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismacil C/nuur Geesey ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtay kullan canshuur bixinta ku saabsan.

Kulankan waxa ka soo qayb galay Guddomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuuryare, guddoonka waxbarashadda ee gobolka Mudug, guddoomiyayaasha waxbarashadda ee degmooyinka Gaalkacyo iyo Jariiban iyo maamulayaasha dugsiyada waxbarashadda ee Gaalkacyo.

Kulankan ayaa xisaabiyahu masuuliyiintan waxaa uu kala hadlay bixinta cashuuraha mushaarka macalimiinta taas oo ah waajib laga rabo muwadinkasta oo ay kuwaajibtay cashiirtu in uu bixiyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa isna kubooriyey maamulka waxbarashadda inay bixiyaan cashiirta dowlada Puntland.


Puntlandes.com

About The Author