Sawirro: Aqalka sare oo ansixiyay sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal

08 Feb 2020 (Puntlandes) Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay uu dood ka lahaa Golaha.

Sharcigan oo uu horay u ansixiyay Golaha Shacabka ayaa loo soo gudbiyay aqalka Sare, waxaana Guddoonka Aqalka sare u saaray guddi ka soo baaraan-daga sharciga,

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka soo baaraan-dagiga sharciga doorashooyinka Senator Maxamed Amiir Sheekh Cusmaan ayaa Golaha ka hor akhriyay sharcigan wixii ay ka soo baaraan dageen oo ay turxaan bixin ku sameeyeen.

Kulanka maanta uu Aqalka sare ku ansixiyay sharcigan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay wehliyeen Kuxigeenadiisa 1aad iyo labaad ee Golaha.

Dood kaddib ayaa waxaa cod loo qaaday sharciga, waxaana ansixiyay 27 senatar oo ogolaaday sharciga, halka 6 ay diiday, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay.

Sharcigan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu saxiixo, isla markaana sharcigan dhaqan gal u noqdo.


Puntlandes.com

About The Author