Ciidamo Itoobiya iyo Maleeshiyada ku dagaalamay gobolka Hiiraan

13 Feb 2020 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley  ayaa ka dhacay Tuulada Af-qurun oo qiyaastii 48KM u jirta deegaanka Far-Libaax.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo gudbay xadka u dhaxeeya Gobolada Bakool iyo Hiiraan ay ku soo dhaceen fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Macawiisley.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday kala shaki, markii ciidanka Itoobiya ay soo galeen goobo ay difaac uga jireen Maleeshiyada Macawiisleyda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaatay saacado uu labada dhinac ku dhex maray tuulada, waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen in ka badan tobaneeyo ruux oo labada dhinac isugu jira, halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay ka soo baxsadeen degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo ku soo wajahnaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, si ay ugu gudbaan xadka Itoobiya.

Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano macawiisley ayaa ka howlgasha qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Bakool oo ay kula dagaalameen Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author