Qarax ka dhacay Dhuusamareeb iyo xiisad ka jirta

13 Feb 2020 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax ka dhacay goob ganacsi ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxan iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay bam, halka warar kalana ay sheegayaan in uu ahaa mid ka dhashay miinada dhulka lagu aaso.

Ciidamada ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa u qabtay dhowr ruux qaraxan,mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay.

Wararka kale ee ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la xirey wadada isku xirta magaalada Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel.

Gawaari ka soo baxday degmada Guriceel kuna soo jeeday magaalada Dhuusamareeb ayaa loo diiday inay u soo gudbaan magaalada iyagoo gawaaridaasina ay la socdeen dad doonayay inay ka qeybgalaan munaasabada caleema saarka Madaxweynaha ay ururka Ahlusunna u doorteen Galmudug.

Xiisad ka dhalatay wadada la xirey ayaa laga dareemaya magaalada Dhuusamareeb iyadoo la arkayo ciidamo badan oo gaaf wareegaya magaalada.

Puntlandes.com

About The Author