Daawo Video: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo kasoo horjeestay in Madaxweyne Farmajo uu booqda Hargaysa

16 Feb 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inaysan ku soo dhoweyn doonin Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha golaha guurtida oo golaha la hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku cadaadinayo Madaxweynaha Somaliland in uu Hargaysa yimaado Madaxweyne Farmaajo balse aysan aqbali doonin.
“War kusoo dhoweyn meyno,Abiy Ahmed in adeerow ha noo keenin, ina adeerow ha noo iman, wax cudurdaar ah ma bixin, ina ictiraaf kaliya.”ayuu yiri Saleyman Maxamuud.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in hore Abiy Ahmed uga codsaday in Madaxweyne Farmajo uu yimaado Hargeysa.

“Tira laba jeer ah ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed naga codsadey in Farmaajo yimaado Hargeysa anagana waan ku celinay,marnaba Somaliland ma ogolaaneyso in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeyso ayuu yiri”Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland.

Dhawaan ayaa magaalada Addis Ababa ku kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxana uu markii uu Muqdisho ku soo laabtay madaxweyne Farmaajo uu goob fagaaro ah Shacabka Soomaaliland ka raali geliyey duqeyn dhinaca cirka ah oo Dowladii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ay ka geysatay Magaalada Hargeysa.

Puntlandes.com

About The Author