Guddoomiyaha gobolka Mudug oo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso inay qabsato gobolka Mudug ee Puntland

16 Feb 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay ciidamo badan ku soo daabusho gobolka Mudug, si ay ula wareegto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay ,in uu ka sii war helay qorshe abaabulan oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku raadinayso, in ay bisha saddexaad ee soo socota ciidamo ku soo daabusho gobolka Mudug, gaar haanna magaalada Gaalkacyo, si ay ula wareegaan guud ahaan gobolkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu tilmaamay in qorshahaas ay Villa Somalia u bixisay xoraynta gobolka Mudug, isla markanaa lagu doonayo in Puntland looga xoreeyo gobolka, balse uu fashil buuxa ku dambeyn doono.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay go’aanka Puntland ka qaadan doonto arrintaas, ayaa xusay in ay tallaabo militari kaga jawaabi dooonaan, haddii ciidamada Federaalku  ay cag soo dhigaan taaka kamid ah dhulka Puntland.

Guddoomiyaha sidoo kale tilmaamay, in qorshaha Villa Somalia uu yahay mid ballaaran oo la doonayo in lagu qabsado dhulka Nabadda ah ee dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamo la geeyay gobolka Gedo.

Puntlandes.com

About The Author