Daawo Video: Wasiir Maareeye “28 sano ayey Somaliland lahayd siyaasad fadhiidh ah oo Marfishyada looga taliyo”

17 Feb 2020 (Puntlandes) Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la hadal hayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay inuusan isaga ka war qabin safarkaas la sheegayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa uusana diyaar u aheyn inuu ka hadlo.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli maayo,”

Wasiir Maareeye oo kasoo jeedo Somaliland, ayaa kula taliyey shacabka Somaliland inay ka faa’ideystaan fursadda hor taalo, isla markaasna ay isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa iyo Beesha Caalamka.

Wasiirka ayaa Somaliland ku sheegay inay 28 sano isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo Marfishyada looga taliyo.

Maareeye ayaa yiri “28 sano ayey Somaliland lahayd siyaasad fadhiidh ah oo Marfishyada looga taliyo”


Puntlandes.com

About The Author