Sawirro: Gudoomiyaha jaaliyada reer Puntland ee Dalalka Australia iyo New Zealand oo si diiran loogu soo dhaweeyey Qardho

17 Feb 2020 (Puntlandes) Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweyaya wafdi balaaran oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha jaaliyada reer Puntland ee Dalalka Australia iyo New Zealand oo si diiran loogu soo dhaweeyey qardho Mukhtaar Kilwe Aadan Seed.

 

Gudoomiyaha ayaa agab Sport soo gaarsiyaan dhalinyarada gobolka, isagoo horay  ugu wareejiyey agab Sport qaar kamid ah dhalinyarada reer Puntland.

Waxaa soo dhawaynta ka soo qaybgalay gudomiyaha dagmada Qardho, taliyaha Booliska, agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, Agaasimaha madaxtooyada.

 

Kulan ciyaareed lagu soo dhaweynayo wafdigan ayaa lagu qabtay mid kamid ah garoomada magaalada, iyagoo gaba gabadii uu ku wareejiyey agab Sports xubno kamid ah dhalinyarada ciyaartooyda magaalada Qardho.


Puntlandes.com

About The Author