Muuse Biixi: “Ma ogolaaneyno inuu Farmaajo yimaado Somaliland, maya maya”

18 Feb 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maanta khudbad u jeediyay labada gole ee Somaliland ayaa waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa safarka uu ku tagay Itoobiya ee uu kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in booqashadii uu ku tegey Addis Ababa ay ahayd casuumad uu u fidiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed muhiimadda booqashaduna ay ahayd sidii Ururka Midowga Afrika ay ugala hadli lahaayeen qorshahooda ah in lasiiyo aqoonsi kana go’aan Soomaalida inteeda kale.

Muuse Biixi ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa igu casuumay shirkii Afrika, waxaana uu ii sheegay in aan la kulmayo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu doonayo in uu kala dhexgalo labada dhinac, waana ku taageeray oo waan aqbalay”

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dalalka Turkiga, Sweden iyo Jabuuti ay aad u daneynayeen sidii wadahadalada labada dhinac loogu bilaabi lahaa.

“Dowladaha Turkiga iyo Sweden waxa ay la xiriireen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka dalbadeen in aanu dhinacna uga harin sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Mar uu ka hadlayay raaligelintii uu Madaxweeyne Farmaajo 13kii bishan ka bixiyay xasuuqii loo geystey shacab ku noolaa gobolada Waqooyi ee dalka ayaa waxa uu sheegay in ay kala dhineyd balse uu aqbalay.

“Raalli gelintii Madaxweyne Farmaajo ee 13-kii bishaan siiyay Somaliland waxa ay igu ahayd arrin kedis ama lama filaan ah, waana soo dhaweynayaa, balse waxa ay ahayd in uu ka reebo halka uu ka yiri dhinacyadii jabhadaha ee hubka qaaday” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in aysan is qabaneyn raalli gelinta Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wararka sheegaya in uu safar ku tagayo Magaalada Hargeysa.

Waxana uu sheegay in booqashada la sheegayo ee Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Hargeysa ay dhaawici karto wadahadalada Somaliya iyo Somaliland,ayna suurtogal ahayn in uu booqasho ku yimaado Hargeysa madaxweynaha Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author