C/raxmaan C/shakuur “Hey’adda NISA waxay noqotay sida Telefishinada oo Breaking News soo qora”

18 Feb 2020 (Puntlandes) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku dhaliilay Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inay noqotay Hey’adda Warbaahin lagu soo qoray wararka degdeg ah, kaddib markii barta Twitter-ka ee Hey’adda oo maalmihii u dambeeyay lagu soo qoray warar ku saabsan khilaafka hoggaanka sare ee Alshabaab, in labo garab u kala jabeen iyo Saraakiil sare oo xilalka laga xayuubiyay.

C/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyay telefishinka Universal ayaa sheegay in go’aanada la iska gaarayo daqiiqad ay sabab u tahay aqoon la’aan, khibrad la’aan iyo waayo aragnimo la’aan, isagoo ku duray Hoggaanka Hey’adda NISA inay heyso jahli iyo aqoon daro,

“Hey’adda Nabadsugida waxay iska noqotay sida Breakin News-ka telefishinada iyo raadiyayaasha, ayada iyo Universal kalama garaneyo, Hey’adda nabadsugida waxaa lagu soo qorayaa mahad Karate ayaa Shabaab ka baxay hebel waa la bedelay sidii aad u maleysay wararka degdeg ee idaacadaha, waxaas waa qaran ku dheel, waa aqoon darro waa jahli dadka hey’addaas maamulaya heysta”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in Hey’adda Nabadsugida loogu tala galay inay ilaaliso Amniga Qaranka, isla markaana howsheeda kaliya aheyd inay dadka soo xirto ama dabagasho, balse waajibaadkeeda yahay amniga qowmiga ah.

“Hey’adda Nabadsugida waxay u taagan tahay ilaalinta Amniga qaranka Soomaaliya, ma ahan inay dad xirto ama dad ay daba gasho waxay u taagan tahay amniga qowmiga ah, marka waxaa ka garan kartaa dadka lagu aaminayo hey’adihii waa weynaa tabartooda intey la egtahay waa in dadka aqoonta leh, kartida leh ee waayo aragnimada leh la keensan karo”ayuu yiri.

Dhinaca kale C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Madaxda hada talada heysa ay bilaabeen dhaqan la mid ah sida kii dowladdii Kacaanka ee milateriga aheyd, gaar ahaan inay matalayaan saddexdii mas’uul ee ugu sareysay dowladdii Kacaanka, sida Siyaad Barre, Cali Samatar iyo Xuseen Kulmiye oo ugala jeeday Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

“Dhaqankan hada Villa Somalia ka socda ee la leeyahay waxaa mataleynaa sida Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar iyo Xuseen Kulmiye dhaqankaas mid Soomaaliya meel geynaya aniga ilama ahan, waxaa maqlayaa sida saddexdaas nin isku dhaarsadeen aan isku dhaarsano dalkaan aan meel geyno sida u dhaqmaayeen oo xoogga iyo awoodnimada aan ku dhaqano, dhaqanka nuucaas ee la leeyahay saddexdaas nin ayaa mataleynaa allaha u naxariistee saddexdaba, nimankaas dowladnimada inta hayeen waa la arkay meesha wax geeyeen waa la arkay, waqtigooda waa dhamaaday, natiijadii 30 sano la tacaaleynaa, laakiin in dhaqankaas la soo celiyo hadda in xigmad weyn inay ku jirto ma aaminsani”

Puntlandes.com

About The Author